Puntland oo shaacisay waqtiga ay bilaabeyso Tallaalka Cudurka COVID-19

Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan oo ay weheliyaan wasiiru dawlaha Wasaaradda iyo Agaasimaha guud ayaa shir guddoomiyay  kulan ay lahaayeen Guddiga farsamo ee ka shaqaynayay qaabka loo bilaabayo talaalka COVID-19.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax ayaa sheegay in Puntland markii uu soo gaaray tallaalka COVID-19 ay Wasaaradda Caafimaadka diyaarisay meelaha laga bixinayo talaalka iyo sidii loo gaarsiin lahaa deegaanada Puntland.

Waxaa uu sheegay Wasiir Jaamac in tallaalka COVID-19 deegaanada Puntland laga bilaabi doono 27-ka bishaan Maarso, isla markaana laga bixin doono ilaa 30 xarumood kuwaasi oo ku kala yaalla degmooyinka Puntland.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiirka Jaamac Faarax Xasan ayaa waxaa uu yiri “Talaalka oo ah wajiga koowaad kana kooban 40,000 Dos waxaan ugu talagalnay in lagu talaalo ilaa 40,000 oo qof oo reer Puntland ah”, isla markaana ay bilaabayaan Maalinta Sabtida.

Ugu dambeyn Wasiirka Caafimaadka ayaa Carabka ku dhuftay in ka go’an tahay in tallaalka uu gaaro dhamaan dadka loogu talagalay sidoo kalena ay ilaaliyaan in ay dhacdo in wax ka khasaaraan tallaalka, madaama uu koobanyahay, wajiga labaad ee talaalka ayuu sheegay in qorshuhu yahay in Puntland gaaro labo toddobaad kadib.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor