Puntland oo shaacisay maalinta ay dhaceyso doorashada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdirashid Yuusuf Jibriil ayaa sheegay in berri la qabanayo doorashada Aqalka Sare ee maamulkaas.

“In doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Puntland la qaban doono 11/08/2021, kuna beegan maalinta Arbacada” ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay bogga Facebook ee baarlamaanka Puntland.

Puntland waxay shaacisay liiska musharraxiinta doorashada Aqalka Sare iyo guddiga qabanayo doorashadaas.

Soomaaliya waxaa ka socotaa howlaha qabashada doorashada Aqalka Sare iyadoo doorashada ay ka dhacday Jubaland iyo Koonfur Galbeed oo lagu soo doortay qaar kamid ah xildhibaanada ku matali doono Aqalka sare.

Maamulka Galmudug weli ma uusan shaacin liiska musharraxiinta doorashada Aqalka Sare, waxaana uu ka mid yahay Maamulada aan wali soo gudbinxubnaha ku matali doona Aqalka sare.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor