Puntland oo shaacisay in Tirada dadka u dhintay COVID-19 ay korortay

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in guud ahaan Soomaliya gaar ahaan Puntland uu kordhay xanuunka COVID-19, waliba dhimashadu ay korortay ilaa bilawgii sanadkan 2021.

Wasiir Jaamac Faarax ayaa sheegay in meelaha ugu daran ay tahay magaalooyinka waaweyn si gaar ah magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Puntland oo culayska ugu badan uu ka jiro.

Wasiirka ayaa shacabka faray inay soo celiyaan kordhiyaana taxadarka, iyagoo isticmaalaya waxyaabaha looga hortagayo sida Afxirka, kala fogaanshaha iyo yaraynta isku imaatinka aan muhiimka ahayn, sidoo kalena qofkasta oo iska shakiya uu tago xarumaha baaritaanka.

Wasiirka ayaa ka hadlay in Puntland uu ka socdo tallaalka COVID19, kaasoo loogu tala-galay in wajiga koowaad ay qaataan dadka waaweyn ee la nool xanuunada kala duwan, shaqalaha caafimaadka, macalimiinta iyo ciidamada Booliiska.

Wasiirka waxa uu xusay in wali in badan oo ka mid ah dadka waaweyn oo khatarta ugu weyn ku yahay xanuunku aysan tallaalka qaadan, waxaana rajaynayaa inay qataan si ay uga badbaadiyaan naftooda.

Wasiirka ayaa ugu danbeyn sheegay in hadii xaaladu sidaan ka sii darto, dadkuna ayaan qaadan fariimaha caafimaad aan amaro culus soo saari doono anaga oo la tashan doona guddiga heer dawladeed ee COVID19.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor