Puntland oo shaacisay in khilaafka Farmaajo iyo Rooble lagu xalinayo Garoowe

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegtay in khilaafka xoogan ee u dhexeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble lagu xalinayo Magaalada Garoowe.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdi Ibraahim Warsame Qawdhan oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in Arrimo badan oo kamid yihiin dastuur jebinta iyo hor socod la’aanta doorashada lagu xalin doono Garoowe.

Cabdi Ibraahim Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda ayaa tilmaamay in khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble xalkooda uu yaallo Puntland, isla markaana ka shaqeyn doonaan sidii loo dhameyn lahaa khilaafka.

“Soo dhawaada ayaan idin leenahay Madaxda maamuladow Hooyada Federaalka gacmo furan ayey idinla diyaar tahay doorasho ayeyna rabtaa” ayuu ku yiri Qoraalka uu soo saaray Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda, isagoo muujiyay rajo wanaagsan.

Magaalada Garoowe ayaa lagu wadaa in maalinta khamiista uu ka furmo Shir u dhexeeya Madaxda maamul Goboleedyada dalka oo kaliya, kaasi oo ay uga hadli doonaan xaaladda siyaasadeed ee dalka, Arrimaha doorashooyinka iyo khilaafka Madaxda, waxaana Shirkaas uu ku aaday, xili uu xoogeystay khilaafka labada Mas’uul.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor