Puntland oo shaacisay Dad hor leh oo laga helay Cudurka COVID-19

Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Puntland ayaa shaacisay Dad hor leh oo laga helay Cudurka halista ah ee Coronavirus, iyadoo Cudurka uu u muuqdo mid kusii  faafaya deegaanada maamulkaas.

Qoraal  kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Cudurka 24-saac ee lasoo dhaafay laga baaray 46 qof, isla markaana laga helay 9 kamid ah dadkaas, kadib markii baaritaano kala duwan lagu sameeyay.

Dadka laga helay COVID-19 oo isugu jira rag iyo Dumar ayaa waxaa ay ku kala sugan yihiin Magaalada Qardho oo laba qof iyo Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal oo 7 qof ah, kuwaasi oo da’dooda ay u dhexeeyso 13 sano jir ilaa 60 sano jir.

Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa sheegtay in Cudurka ay ka bogsadeen 5 qof oo kamid ahaa dadkii uu horey ugu dhacay Cudurka, iyadoo haatan xaaladooda Caafimaad ay wanaagsan tahay.

Tirada guud ee dadka xanuunka laga helay ee deegaanada Maamulka Puntland ee shaybaarku xaqiijiyey ayaa haatan gaartay 304 qof , waxaa u dhintay 8 qof, isla markaana waxaa ka bogsaday 53 qof.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media