Puntland oo shaacisay Dad Cusub oo laga helay Cudurka COVID-19

Wasaaradda Caafimaadka dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaacisay inay diwaan-gelisay Dad Cusub oo laga helay Cudurka halista ah ee Coronavirus, kuwaas oo baaritaano kala duwan lagu sameeyay.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in Cudurka laga baaray 44, lagana helay  14 qof, kuwaasi oo kadib la baaray laga ogaaday inay qabaan Cudurka, waxaana si deg Deg ah loo geliyay xaalad karantiil ah.

14 qof ee xanuunka laga helay 9 kamid ah ayaa waxaa yihiin rag, halka 5-ta kalena ay dumar yihiin, iyadoo ay da’dooda u dhexeeyso 5-sanno jir  ilaa iyo 52 jir, waxaana 12 kamid ah ay ku sugan yihiin Magaalada Garoowe, 2 qof-na waxaa ay joogaan Qardho.

Tirada guud ee dadka xanuunka laga helay deegaanada dowlad Goboleedka Puntland ayaa hada gaartay 235 qof, waxaa u dhintay 7 qof halka bogsashasa la diiwan geliyey ay tahay 41 qof.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa bulshada Reer Puntland uga digay dhawaan in wali dadku ay feejignaan iyo taxadar muujiyaan, madaama ay kordhayaan dadka xanuunka laga helayo maalmahii ugu danbeeyay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media