Puntland oo shaacisay Dad Cusub oo laga helay Cudurka COVID-19

Wasaaradda Caafimaadka dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaacisay dad Cusub oo laga helay Cudurka halista ah ee Coronavirus, iyada oo Cudurka u muuqdo kusii yaraanaya deegaanada maamulkaas.

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadk Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in 24-saac ee lasoo dhaafay Cudurka laga baaray 24 qof, isla markaana laga helay 7 kamid ah dadkaas, kadib markii baaritaano kala duwan lagu sameeyay.

Dadka Cusub ee laga helay Cudurka ayaa waxaa ku sugan yihiin Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland, waxaana da’dooda ay u dhaxaysaa 13 sano jir ilaa 43 sano, iyadoona Cudurka uu ka bogsaday 1 qof.

Tirada guud ee dadka xanuunka laga helay deegaanada dowlad Goboleedka Puntland ee shaybaarku xaqiijiyey ayaa haatan gaartay 366 qof, waxaa u dhintay 9 qof, isla markaana waxaa ka bogsaday 187 qof.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media