Puntland oo qaadacday ka qeyb galka Shirka Madaxda ee Muqdisho

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa qaadacday ka qeyb galka Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka ee Maanta la filayo inuu ka furmo Teendhada Afisyooni ee xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Qoraal uu soo saaray Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa waxaa uu ku sheegay in Puntland aysan ogeyn Shirka Maanta ka dhacaya Magaalada Muqdisho, isla markaana aan lagu wargelin inuu shir jiro.

Wasiir Dhabancad ayaa waxaa uu tilmaamay in Shir aan lagu heshiis oo ajendihiisa lasii qorto ay horseedi karto fashil ku yimaada qabsoomida shirka la rajeynayo inuu dhexmaro Madaxd dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada.

“In shir aan laga heshiin ajandihiisa la qorto waxay horseedi kartaa fashil ku yimaada qabsoomidda shirkii la rajaynayey inuu Xamar ka qabsoomo. Ma jiro shir Dowladda Puntland og tahay ama ka qaybgalayso oo barri ka dhacaya Mogadishu” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Dhabancad.

Sidoo kale waxaa uu Qoraalkiisa intaas uu kusii daray Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland “Dowladda Puntland waxay ku hanweyn tahay in dhammaan Saamileyda siyaasadda Soomaaliya ay ka heshiiyaan duruufaha ku xeeran qabsoomidda doorasho wada oggol ah, si nabad ahna ku dhacda”.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo shalay la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa u sheegay in aysan jirin Cid kusoo wargelisay Shirka Maanta furmaya, isla markaana baraha Bulshada ay ka arkeen oo kaliya Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada oo Farmaajo shir ku Iclaamiyay.

Puntland iyo Jubbaland ayaa horey shuruudo dhowr ah ugu xiray ka qeyb galka shirar looga hadlayay khilaafka ka taagan doorashada dhaceysa, waxaana xusid mudan in saddex jeer uu baaqay shirar uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor