Odey da’ ah Gaajo iyo oon dartood ugu geeriyooday Puntland

Wararka aan ka heleyno Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay Kaam ku yaalla halkaas uu qof shacab ah uu ku geeriyooday.

Qof kaas oo lagu sheegay inuu ahaa Odey waayeel ah ayaa la tilmaamay inuu gudaha Kaamka lagu magacaabo Shabeelle uu ugu geeriyooday Gaajo iyo oon dartood, kadib markii uu waayay Cunto iyo Biyo uu cabo, kadibna uu halkaas ku dhintay.

Xildhibaan ka tirsan Golaha deegaanka Magaalada Garoowe oo Qoraal soo saaray ayuu ku sheegay in Golaha deegaanka lagu soo wargeliyay in xalay Kaamka Shabeelle uu Odey waayeel ah ku geeriyooday.

Xildhibaan Axmed Abshir Surato ayaa waxaa uu caddeeyay in dadkii Odeygaas wax siin jiray oo danyar ahaa laga diiday in Suuqyada Garoowe wax looga iibsado Lacagta Shiling Soomaaliga oo heysteen.

“Saaka mar aan fadhiyey shir-ka Golaha Deegaanka Degmada Garowe waxaa warbixin nala ku siiyey xalay Garowe kaam ku yaal oo la yiraahdo kaam Shabeele in uu nin waayeel ah ugu geeriyooday gaajo iyo oon kadib markii dadkii quudin jiray Shilimaadkay haysteen ay suuqa waxba uga goyn weyday. Waa masiibo hadii warkaasi saxyahay. Dadka ALLE wax siiyey waxaa la gudboon in ay sadaqo la baxaan oo ay ka warhayaan qofwalbana xil iska saaro qaraabadiisa iyo dariskiisa inta jilicsan, arinkaan kuweena wax haysta ayaa lagu imtixaamayaa ee ALLE uma waayin dadkiisa deeqdiisa” Axmed Abshir Surat.

Si kastaba Magaalada Garoowe ayaa Maanta waxaa ka dhacay banaanbax ballaaran oo looga horjeeday diidmada lacagta Shilling Soomaaliga iyo Sicir barar xoogan oo halkaas ka jira, waxaana la sheegay in Ganacsatada ay diideen inay qabtaan Shilling Soomaaliga.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media