Puntland oo lagu wareejiyay Qalab Caafimaad oo muhiim ah   

Diyaarad sida Gargaar Caafimaad ayaa Goordhow ka degtay Garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, taasi oo ka timid dalka Imaaraadka Carabta.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Gargaarka Caafimaad ugu deeqday dowlad Goboleedka Puntland, waxaana gargaarka ku jira qalab Caafimaad oo uu kamid yahay sheybaarka lagu baaro Cudurka halis ah ee Coronavirus.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Imaaaraadka ay Puntland ugu deeqday sheybaarka lagu baaro dadka looga shakiyo Astaamaha Cudurka COVID-19.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Jamac Farax Xasan ayaa Imaaaraadka kala wareegay qalabkaas muhiimka ee loogu deeqady, isagoo ugu mahadceliyay dowladaas.

“Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan ayaa Goor dhawayd Garoonka diyaaradaha Boosaaso kagala wareegay Dowlada Emaradka Carabta deeqo Qalab Caafimaad oo ku jiro sheybaarka lagu baaro Ama lagu Ogaado Qofka qaba Carona Virus” ayaa lagu yiri Qoraalka Puntland.

Dowladda imaaraadka Carabta ayaa saakay deeq Gargaar Caafimaad ah ku wareejisay Maamulka Somaliland, waxaana kamid ahaa qalabka looga hortego faafida Cudurka Coronavirus.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media