Puntland oo ka hortimid Shirka Berri u furmayo Soomaaliya iyo Somaliland

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa kasoo horjeesatay shir Maalinta Berri lagu wado inuu Dalka Jabuuti uga furmo Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi Cabdi.

War qoraal ah oo uu soo saaray Afhayeenka Madaxweynaha Puntland Jaamac Dabaraani ayaa waxaa uu ku sheegay in Puntland haddii aan laga qeyb-gelin wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya aysan waxba ka jirin oo laga leeyahay Ujeedo kale.

“Wadahadal Soomaaliya iyo Somaliland ah oo aan Puntland door laga siin anigu magaran karo ujeedka laga leeyahay, waayo cidda ay xuduudu ka dhexeeyso waa Puntland iyo Somaliland” ayuu yiri Jaamac Dabaraani.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa waxaa uu tilmaamay in wax hagaagaan oo midnimo dhab ah laga shaqeynayo loo baahan yahay in wadahadalka labada dhinac ay ka galaan Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland.

“Marka hadii la rabo inay wax hagaagaan oo midnimo dhab ah laga shaqeynayo waa in Masuuliyiinta Puntland, oo ay ku jiraan siyaasiyiinta Puntland ku metela Sanaag , Sool iyo Ceyn ay ka qeyb galaan wadahadalka, hadii kale waxaa uu wadahalku ku sifoobaya mid aan masiiri aheyn oo dano siyaasadeed uun laga leeyahay” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Dabaraani.

Si kastaba hadalka Puntland ayaa waxaa kusoo aadayaa, iyadoo Maalinta Berri dalka Jabuuti uu shir uga furmayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in berri uu kulan sii doono labada Madaxweyne, waxaana kulanka lagu Casuumay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media