Puntland oo ka hadashay xaaladda dadkii ku barakacay Dagaaladii Boosaaso

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegtay inay gurmad iyo garab istaag u fidisay dadkii ku barakacay dagaalada saddexdii maalin ee lasoo dhaafay ka dhacayay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ee Puntland.

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Puntland iyo wafdi ay hoggaaminayaan ayaa xalay u ambabaxay deegaamada u dhow Magaalada Boosaaso ee ay ku sugan yihiin dadka ka barakacay dagaaladii dhexmaray Ciidanka Maamulka iyo kuwa PSF.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Wasiirada Puntland ay degmada Carmo kula kulmeen dadkii soo barakacay , isla markaana ka xog-wareystay dhibaatada heysata dadkaas.

Sidoo kale Wasiirada Maamulka ayaa hadda waxaa ay u gudbeen deegannada kale ee Gobolka Bari, si kulamo kale ula yeeshaan qoysas kale oo ku barakacay dagaaladii dhemaray Ciidanka Maamulka Puntland iyo kuwa PSF.

“Puntland ayaa si dhow waxaa ay ula socota xaaladda Dadkan, waxayna ka shaqeynaysaa in u fududeeyso baahiyaha saas iga ah iyo sidii noloshoodii caadiga aheyd ugu soo laaban lahaayeen” ayaa lagu yiri Qoraal uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani.

Dagaaladii dhexmaray Ciidanka Maamulka iyo kuwa PSF ee ka dhacay Boosaaso ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyadeed, waxaana dagaalada ku barakacay boqolaal qoys, kuwaasi oo ku sugan degaano u dhow Boosaaso ee Gobolka Bari…

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor