Puntland oo ka hadashay Shabakad ka tirsan Al-shabaab oo la qabtay

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland ee Gobolka Mudug ayaa ka hadlay rag ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab oo laamaha amniga Maamulka ay ku qabteen gudaha Magaalada Gaalkacyo.

Taliye Mu’min Cabdi Shire ayaa waxaa uu sheegay in howlgal Ciidanka ka sameeyeen Gaalkacyo lagu qabtay 7 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, isla markaana Magaalada ka geysteen dilal qorsheysan oo lagu fuliyay dad kala duwan.

Waxaa uu sheegay Taliye Mu’min Cabdi in ragga qabtay ay Gaalkacyo falal amni darro ka wadeen tan iyo sanadkii 2018, iyagoona uu tilmaamay inay qirteen falalkaas oo isugu jiray Qaraxyo iyo dilal.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland ee Gobolka Mudug oo la hadlay BBC-da ayaa xusay in ragga la qabtay oo Shabakad ahaa ay ku jiraan laba Sarkaal oo ka tirsan Al-shabaab, wuxuuna sheegay in Maxkamad la horgeyn doono.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Puntland ayaa waxaa horey uga dhacay dilal qorsheysan iyo weeraro kala duwan  oo mid kamid ah lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media