Maamulka Puntland oo Baaq kasoo saaray Dagaal dhexmaray Maleeshiyo Beeleed

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland  Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka hadlay dagaal u dhexeeyay laba maleeshiyaad oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay tuulada Saax-maygaag ee Gobolka Sool, kaasi oo geystay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa maleeshiyo beeleedka ku dagaalamay deegaannada Saax-maygaag iyo Sanga jabiye ugu baaqay inay si shuruud la’aan ah ku joojiyaan Colaada soo cusboonaatay ee dhiiga ku daatay, ayna ka shaqeeyaan nabada.

Axmed Karaash ayaa tacsi u diray qoysaska dadkii ku geeriyooday dagaaladii dhacay, waxaana kuwo dhaawacmay uu u rajeeyay inuu Alle Caafimaad siiyo, isagoo labada dhinac dalbaday in dagaalka la joojiyo, lagana wadahadlo wixii muran ah ee jira.

Waxgaradka, Isimada iyo Culimada Puntland ayuu Axmed Karaash ugu baaqay inay kala dhex-galaan beelaha walaalaha ah ee Colaada dhexmartay, isla markaana xusay in Maamulka uu diyaar u yahay sidii uu qeyb uga noqon lahaa joojinta dagaalka.

Inta la xaqiijiyay lix ruux oo ka tirsan dhinacyadii dagaalamay ayaa ku dhintay in ka badan 15 kalena waa ku dhaawacmeen dagaal beeleed ka dhacay deegaannada Saax-maygaag iyo Sanga jabiye ee Gobolada Sool iyo Sanaag.

Dagaalka labada dhinac ayaa ku salaysan Arrimo la xiriira muran ka taagan degaamaynta Saax-maygaag iyo Senga-jebiye oo u dhexeeya degmada Boocame ee Gobolka Sool iyo tuulada Birta dheer oo ka tirsan Gobolka Nugaal, waxaana weli taagan xiisada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor