Puntland oo joojisay isticmaalka gaadiidka hubka iyo ilaalada gaar ah

Wasaaradda amniga ee maamulka Puntland ee Soomaaliya, ayaa soo saartey war gelin la xiriirta amniga, taasoo xambaarsan awaamiir cusub oo la xiriirta amniga.

Awaamiirtaan ayaa waxaa toos loogga dalbadey qeybaha bulshada iyo siyaasiyiintaba, inaaney isticmaali karin gaadiid dagaal iyo ilaalo gaar ah iyagu sameysan karin.

Wargelinta, ayey maamulka Puntland, gaar ahaan wasaaradda amniga waxey balan qaadey iney dhammaan dadka joogga inta ay ka taliso ay ammaankoodda iyagu sugeyso.

Gaba gabadii wargelinta, waxaa lagu sheegay in qoladii ka maarmi weyso hub iyo ilaalo gaar ah, iney si toos ula soo xiriirto wasaaradda amniga.

Hoos ka Akhriso amarka kasoo baxay Wasaaradda amniga ee maamulka Puntland

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor