Puntland oo Guddi u magacaawday dhaqan-galka Go’aamo kasoo baxay Shir

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash  ayaa guddi u magacaabay hubinta, kormeerka iyo dhaqangalka go’aanka Shirkii nabadaynta ee ka qabsoomay deegaanka Saax-meygaag ee Gobolka Sool.

Guddiga uu magacaabay Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ka kooban 7-xubnood ayaa ka shaqeyn doona hubinta iyo dhaqangalka go’aanka Shirkii nabadaynta ee maleeshiyo beeleed ku dagaalamay maalmo kahor degaanka Saax-meygaag.

Sidoo kale Guddiga ayaa kormeer ku saameyn doona in la kala qaaday maleeshiyaadka labada dhinac ee is hor-fadhiyey, kuwaasi oo la kala geynayo sida uu qorshahu yahay deegaannada Boocame iyo Birta-dheer ee Gobolka Sool.

Shirkii nabadaynta maaleshiyo beeleedka ku dagaalamay Saax-meygaag ayaa shalay ka qabsoomay Hadhwanaag, waxaana shirkaas lagu go’aamiyey in Xabad joojin ka dhaqan gasho degaanada lagu dagaalamay iyo in la kala qaado maleeshiyaadka hubeysan.

Hoos ka Akhriso Magacyada Guddiga la magacaabay.

1- Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf. Gudoomiye

2- Shiikh Maxamuud Maxamed Xaliike. Xubin

3- Gen:- Axmed Taajir. Xubin

4- Caaqil Cismaan Ismaaciil Barre. Xubin

5- Caaqil Siciid Cismaan Shanlayste. Xubin

6- Caaqil Cabdullaahi Cali Barre. Xubin

7-  Maxamed Maxamuud Ciise(Awoowe). Xubin

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor