Puntland oo gacanta ku dhigtay Rag hubeysan oo weerar geystay

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Puntland ayaa gacanta ku dhigay rag hubeysan oo weerar loo adeegsaday Bam gacmeed ku tuuray Saldhiga Booliska Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Puntland.

Ciidanka oo howlgal kala duwan ka sameeyay gudaha Gaalkacyo ayaa kusoo qabtay  laba rag oo saddex habeen kahor Bam gacmeed ku tuuray  Saldhiga, isla markaana uu ka dhashay khasaaro dhaawacyo ah iyo burbur hantiyadeed.

Taliyaha Saldhiga Dhexe ee Booliska Galkacyo ee Puntland Jaamac Maxamed Warsame oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in weerarkaas ay ku dhaawacmeen laba Askari oo ka tirsan Ciidanka amniga, sidoo kalena uu burbur soo gaaray Saldhiga.

Ciidanka amniga Magaalada ayuu Taliye Jaamac Maxamed sheegay inay ku guuleysteen soo qabashada raggii weerarka geystay, kadib markii baxsadeen, kuwaasi oo uu tilmaamay inay ku socdaan baaritaano kala duwan.

Taliyaha Saldhiga Dhexe ee Booliska Galkacyo ee Puntland ayaa shacabka kunool Magaaladaas ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga, si looga hortego wax kasta oo keeni kara amni darro.

Maalmo kahor Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Galmudug ayaa waxaa ka dhacay qarax miino oo khasaaro geystay, kaasi oo sigaar ah uga dhacay afaafka hore ee Xarunta dowladda Hoose ee Gaalkacyo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media