Puntland oo gacanta ku dhigtay Lacag ka badan Hal Bilyan

Ciidamada Ammaan Maamul Goboleedka Puntland ayaa  la sheegay in ay gacanta ku dhigeen lacag aad u farabadan oo degaanada Maamulkaasi si qarsoodi ah loogu kala gudbinayay.

Lacagta ayaa la sheegay in ay gaarayso  hal Bilyan oo shilin Soomaali ah, waxaana lacagtaas lagu qabtay Kontoorl u dhexeeya degaanada Al-xamdulilaahi iyo degmada Waaciye, waxaana hadda lagu xareeyay sida wararku sheegayaan Bangi ku yaalla Qardho.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Lacagta loo waday Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Maamulkaasi Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media