Puntland oo gacanta ku dhigtay Shabakad ka Ganacsaneysay Tahriibinta Dhalinyarada

Ciidanka Booliska Gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay Shabakad isku xiran oo ka ganacsaneysay tahriibinta dhalinyarada, kuwaasi oo saacadihi lasoo dhaafay lagu qabtay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolkaas.

Ciidanka Booliska oo helay xogta Shabakadda ayaa la tilmaamay inay qabteen hoggaamiyaha kooxda ka ganacsaneysay tahriibinta dhalinyarada iyo rag kale oo la socday, isla markaana la geeyay Xarun ay leeyihiin Ciidanka.

Saraakiil Ciidan ayaa sheegay in kooxda xilligii la qabanayay ay dooneysay inay dhalinyaro farabadan ka tahriibiyaan gudaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, hayeeshee ay ka horteen laamaha amniga Gobolka.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Maamulka Gobolka Bari uu la wareegay doonyo iyo gaadiid kale oo kooxdaas ku daabuli jireen dhalinyarada, si loogu tahriibiyo ilaa la gaarsiiyo ma-gafayaal ku sugan Yemen iyo Liibiya.

Saraakiisha Booliska Magaalada Boosaaso ayaan wax faah faahin ah weli ka bixin Shabakadda isku xiran ee dhalinyarada dooneysay inay ka tahriibiyaan Magaaladaas, sidoo kalena lama soo bandhigin kooxdaas lagu qabtay Boosaaso.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor