Puntland oo gacanta ku dhigtay Nin hubeysan oo Dil ka geystay duleedka Garoowe

Sarkaal ka tirsanaa Hay’adda amniga PMPF ee Maamulka Puntland oo lagu magacaabi jiray Bootaan Maxamed Bootaan ayaa xalay lagu dilay duleedka Magaalada Garoowe ee Caasimaadda Maamulkaas, iyadoona dilkaas uu u geystay Nin hubeysan.

Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal ee Puntland ayaa ka hadlay dilkii xalay Bootaan Maxamed uu Nin hubeysan ugu geystay degaan lagu magacaabo Laanta Hawada oo dhinaca bari ka xiga Magaalada Jowhar.

Taliyaha Booliska Nugaal G/sare Maxamed Aaden Jaamac (Degelle) oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in laamaha amniga Gobolka ay gacanta kusoo dhigeen Ninkii hubeysnaa ee dilay Bootaan Maxamed isaga oo dhaawac ah, kadib howlgalo ay sameeyeen.

Waxaa uu sheegay Taliye Maxamed Aaden inay Ninka ay ku wadaan baaritaano kala duwan oo ku aadan sababta keentay inuu dilkaas geysto, isla markaana uu xiran yahay, sidoo kalena sharciga la horgeeyn doono Ninkaas.

Dilka loo geystay Bootaan Maxamed oo ka tirsanaa Hay’adda amniga PMPF ayaa yimid, kadib markii muran kooban oo aan faah faahin ka bixin uu dhex maray marxuumka iyo Nin hubeysan oo dilka u geystay oo markii hore baxsaday, balse la qabtay isaga oo dhaawc ah.

Si kastaba Dilka Marxuum Bootaan ayaa kusoo aaday, iyada oo maalin kahor ciidanka Ilaalada Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ay dileen Haweeney saarneyd Gaari rakaab ah oo soo dhex galay kolonyo galbineysay Madaxweye Saciid Deni.