Puntland oo fulisay howlgal lagu burburiyay goobo Dhuxul lagu shidayay

Maamulka Puntland ayaa deegaano dhowr ah oo hoostega degmada Isku shuban ee Gobolka Bari ka bilowday howlgal lagula dagaalamayo dadka ka Ganacsada jarista dhirta ee laga sameeyo dhuxusha la shito.

Howlgalkaas oo hoggaaminayay Taliyaha qeybta Gobolka Bari G/Sare Xuseen Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in inta uu socday howlgalka lagu burburiyay goobo ay dad ka Ganacsada jarinta dhirta ku shidayeen Dhuxusha.

Taliye Xuseen Cali ayaa sheegay in cabashooyin badan ay uga yimideen dadka degan deegaanada laga jaro dhirta, kadibna iyaga oo ka Jawaabayay ay qaadeen howlgal lagu burburinayay goobo lagu shidayay dhuxusha, isla markaana laga fuliyay deegaano ka tirsan Gobolka Bari.

Isaga oo sii hadlaayay Taliyaha qeybta Gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa digniin adeg u diray dadka ka Ganacsada jarista dhirta iyo dhuxusha, wuxuuna sheegay in cidii lagu qabto arrintaas tallaabo sharci laga qaado doono, isagoona u digay dadka.

Howlgalkaas oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa si wadajira h u fuliyay Ciidamo ka tirsan Booliska Gobolka Bari iyo kuwa ilaalada Madaxtooyada Maamulka Puntland, iyagoona tilmaamay in howlgalka uu sii socon doono.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media