Puntland oo faah faahisay xaaladihii ugu danbeeyay ee Cudurka COVID-19

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Puntland Dr- Jaamac Faarax Xasan ayaa maanta ka hadlay xaaladihii ugu danbeeyay ee caabuqa COVID-19, wasiirka ayaa xusay in iyadoo la galay waqtiga qaboobaha ah ay jirto in koror uu ku yimid xanuunka Covid19 si gaar ah degmooyinka Qardho iyo Buuhoodle.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa xusay in labadii tododbaad ee la soo dhaafay dad badan laga helay xanuunka halista ah ee  COVID-19, sidoo kalena ilaa dhawr qof ugu dhinteen xanuunka.

Wasiirka ayaa sheegay magaalada Qardho oo dhawaan ay ka dhacday doorashadii horu dhaca ahayd ee golaha deegaanka ay sababtay safafkii dhadheeraa ee dadweynuhu galeen in xanuunka uu ku fiday sababayna in dad badan laga helay.

Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaraduu degmada Buuhoodle gaarsiisay Oxygenta sidoo kalena dadweynaha waxa uu kula taliyay inay talaalka qaataan,talaalka waa waxa kaliya ee la hubo in lagu yarayn karo fiditaanka xanuunka iyo saamayntiisa.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Puntland Dr- Jaamac Faarax Xasan ayaa ugu danbeyn maamulka heer gobol Cayn kula dardaarmay inay kordhiyaan bixinta talaalka sidoo kalena wadaan wacyigalinta bulshada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor