Puntland oo Eedeyn Culus u jeedisay Dowladda Federaalka fariina dirtay

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa War kasoo saartay Arrimaha Doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan dhamaadka sanadkaan 2020/2021 iyo xaaladda guud ee dalka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland ayaa marka hore lagu sheegay in Dowladda Federaalka aysan kasoo Jawaabin shir wadatashi ah oo kal horey isugu yeertay Dowladda iyo Maamul Goboleedyada, kaasi oo weli goloshiisa taallo Garoowe.

Puntland ayaa dowladda Federaalka ku eedeeysay inay si ula kac ah u marain habaabineyso hanaanka qabsoomida Doorasho ka dhacda dalka Soomaaliya, isla markaana ay wado dano gaar ah oo lagu doonayo in Doorashada waqtigeeda aysan ku dhicin.

Sidoo kale Qoraalka kasoo baxay Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxda dowladda Federaalka ay dalka ka wadaan qas siyaasadeed iyo mid amni, isla markaana ay dhaqaalo u adeegsanayaan kicinta shacabka, waa sida hadalka loo dhigay.

Maamulka Puntlan ayaa soo dhaweeyay Qoraalkii Aqalka sare ee dalka ee Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada loogu baaqay inay isugu yimaadan Shir Deg deg ah, waxaana Puntland ay ku baaqday in shirkaas la qabto ugu dambeyn 20-ka bishan June, aysana ka qeyb geli doonin shir qorsheysan oo la qabto kaddib kulanka 27 bishan June.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Puntland.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media