Puntland oo Digniin kasoo saartay Roobab xoogan oo dabeylo wata

Maamulka Gobolka Bari ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo saaray Digniin ku socota dadka degan deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolkaas oo ku aadan roobab xoogan oo la filayo inay halkaas da’aan.

Qoraal kasoo baxay Maamulka Gobolka Bari ayaa waxaa lagu sheegay in shacabka Gobolka degan looga baahan inay ka fogaadan deegaanada dhulalka hooseeya, maadaama Gobolka ay ku wajahan yihiin roobab Dabeylo wata oo sabababi kara daadad.

Sidoo kale Maamulka ayaa ugu baaqay dadka degan dhulka u dhow Buuraha, Togaga iyo meelaha u dhow xeebta inay muujinayan taxadar dheeraad ah, si dhibaato aysan uga soo gaarin roobabka dabeysha wata oo laga cabsi qabo inay ka da’aan halkaas.

“Maamulka Gobolka Bari waxaa uu la wadaagayaa Shacabka Gobolka in 48 saac ee soo socda ay jiraan roobab dabeylo wata sida saadaasha cimiladu sheegeyso. Hadaba waxaa shacabka degan dhulka u dhow Buuraha, Togaga iyo meelaha u dhow xeebta inay ka fogaadaan goobahaas si looga taxadaro in dhibaato ka soo gaarto dadka iyo duunyada. Rabi ha inaga hayo wax kasta oo dhibaato gaarsin kara dadka hantidooda iyo xoolahooda” ayuu yiri Qoraalka kasoo baxay Maamulka.

Deegaano dhowr ah oo ka tirsan Maamulka Puntland ayaa waxaa horey uga da’ay roobab xoogan oo dabeylo watay, isla markaana sababay khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeedba, sidoo kalena ay jireen Digniino horey ay soo saartay Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media