Puntland oo cadeysay Mowqifkeeda ku aaddan Shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo

Maamulka  Puntland ayaa war kasoo saaray shirkii golaha amniga qaranka ee u dhaxeeyay dowladda maamul gobaleedyada iyo gobolka Banadir kaas oo uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo in la iskugu yimaado.

Shirkaan ayaa la filayay in looga tashado arrimo dhowr ah oo ay ka midyihiin doorashooyinka amniga iyo arrimo kale waxaana maamulka Puntland ay ku dhawaaqeen is aysan ka qeygeli doonin marnaba.

Wasiirka Warfaafinta Puntland C/llaahi Cali Xirsi oo la hadlay Suxufiyiinta ayaa tilmaamay in Puntland ay soo dhaweynayo baaqii golaha aqalka sare  ee ahaa in madaxda dowladda iyo kuwa maamul gobaleedyada ay iskugu yimaadaan Shir wadatashi ah oo looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021.

Dhinaca kalana waxa u ka hadlay shirka Jabuuti uga socday dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland waxaana uu sheegay in Puntlland aysan aqbali doonin natiijada kasoo baxday shirkaas sida uu hadalaka u dhigay.

Hadalaka maamulka Puntland ayaa kusoo beegmaya xilli madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu todobaadkaan uu shir iskugu yeeray dowladda dhexe maamul gobaleedyada iyo gobolka Banaadir iyada ooaysan aheyn markii ugu horaysay oo shirarkaas ay qabsoomi waayaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media