Puntland oo cadeysay mowqifkeeda doorashada Somalia

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni oo xalay ka hadlayay arrimaha Siyaasadda Soomaaliya ayaa diiradda ku saaray hadalkiisa doorashada iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Arrimaha doorashada iyo khilaafka Siyaasadeed ee kala dhaxeeya dowladda ayuu tilmaamay in ay saameyn ku yeelanayaan doorashada soo socota haddii aan xal buuxa laga gaarin.

Madaxweynaha Puntland ayaa shaaca ka qaaday in aysan raali ka noqon doonin sharciga doorashooyinka oo uu tilmaamay in aan laga talagelin Puntland.

Xildhibaanada iyo wasiirada Puntland ku metela dowladda dhexe waxa uu shaaciyay in aysan ka aqabali doonin metelaad aan sax aheyn iyo in ay u qaadan sharciga doorashooyinka ee aan la tashiga lagala sameyn Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media