Guddiga ka hortega Cudurka halista ah ee Coronavirus ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa Caawa shaaca ka qaaday inay diiwaan-geliyeen Kiisas Cusub oo ah COVID-19.
Wasiirka Wasaaradda Puntland Jaamac Faarax Xasan oo Goordhow warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa waxaa uu sheegay in 5 qof oo qaba Cudurka laga helay Puntland, kadib markii laga baaray dad gaaraya ilaa 11 Ruux.
Waxaa uu sheegay Wasiir Jaamac Faarax in dadka laga helay Cudurka lagu sameeyay baaritaano kala duwan, iyadoo markii dambe Natiijada soo baxday ay noqotay in COVID-19 Jirkooda laga helay, kuwaasi oo la karantiilay.
Isaga oo sii hadlaayay ayuu Wasiirka tilmaamay in Shanta ruux qof kamid ah ay ah dumar, iyagoona aan ka safrin Puntland, waxaana da’dooda ay u dhexeysaa 14-33 jiro.
Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa maalmo kahor waxaa ku geeriyooday Qof looga shakiyay COVID-19, isla markaana ku jiray Xarunta karantiilka, iyadoo aan weli la shaacin natiijada baaritaanka lagu sameeyay.