Puntland oo beenisay Warar laga faafiyey Digniin Cusubna soo saartay

Wasaaradda Ganacsiga dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka hadashay Sarifka lacagaha Suuqyada deegaannada Puntland iyo habka ay u fuleen amarkii khamiistiii lasoo dhaafay kasoo baxay Golaha Wasiirada ee la siiyay Shirkadaha Isgaarsiinta.

Wasiirka Ganacsiga Puntland Cabdullaahi Cabdi Xirsi oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay inay jiraan dad kala duwan oo Bulshada Puntland ku dhex faafiyay in maamulka uu diidan yahay in Cashuurta ku qabto Shilin Soomaaliga, wuxuuna beeniyay wararkaas, isagoo ku tilmaamay  kuwo been abuur ah.

“Waxaa jira dad bulshada ku dhex faafiya aragti qalad ah oo ay ka mid tahay in maamulka  diiday in ay Cashuurta ku qabto shilin Soomali waad ogtihiin dawladaha hoose in lagu qabto shilin Soomali marka in la dhoho dawladda ayaa diiday waa mid been abuur ah oo bulshada lagu jahwareerinay” ayuu yiri Wasiir Xirsi.

Sidoo kale Wasiirka Ganacsiga Puntland ayaa ka hadlay Sicir bararka xoogan ee maalmihii lasoo dhaafay sida weyn looga dareemay Suuqyo ku yaalla Magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan Puntland, ayna dhaceen banaanbaxyo xoogan.

“Bangiga Puntland sarifku waa 35000 kun shilin oo Soomaali ah ah ($1) Dollar hadaba dhamaan ganacsatadu ha ku tusaale qaateen hana raaceen Bangiga Puntland, waxaan u sheegaynaa in Maamulka la socon doono dhaq dhaqaaqa  suuqayada Puntland ilgarana ku eegayso” ayuu sii raaciyay hadlkiisa Wasiir Cabdullaahi Cabdi Xirsi.

Ugu dambeyn Wasiirka Ganacsiga Puntland ayaa Digniin u diray ganacsato oo uu sheegay inay Jahweerar ku qabaan Suuqyada ganacsi ee lacagta iyo macayshada, wuxuuna tilmaamay in kuwaasi ay Puntland ka qaadi doonto tallaabo adeg.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media