War-Saxaafadeed kasoo baxay Maamulka Puntland ayaa waxaa lagu beeniyay in dowladda Federaalka Soomaaliya lacag ugu deeqday dhismaha Jidka Ceeldaahir-Ceerigaabo.
War-Saxaafadeedka ayaa waxaa lagu yiri” Dawladda Puntland waxay la wadaagaysaa ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Puntland in ay tahay libin sheegasho beena, sheegashada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku sheeganayso inay ugu deeqday wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo lacag dhan $1500,000.00 (Hal Milyan Iyo Shan Boqol oo Kun oo Doolar).
Sidoo kale War-Saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in lacagtaas Midowga Yurub uu ugu deeqay,hayeeshee loo soo marsiiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Hoos ka Akhriso War-Saxaafadeedka oo dhameystiran.