Puntland iyo Qaramada Midoobay oo ka wada hadlay Amniga Doorashooyinka

Dowlad Goboleedka Puntland iyo Madax ka socota Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee (UNSOM) ayaa wada hadal ka yeeshay Arrimaha amniga deegaanka Maamulkaas iyo doorashooyinka ka dhacaya Puntland.

Kulankan oo dhexmaray Wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Galan, Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda amniga iyo Qaramada Midoobay ayaa sigaar ah uga wada hadlay dardar-gelinta Amniga doorashada Baarlamaanka Federaalka iyo tan Maamulka.

Kulanka oo sidoo kale ka qabsoomay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa looga arrinsaday u diyaar garowga mashruuca JPP -wajiga labaad iyo siday labada dhinac uga wada shaqayn lahayeen mashaariicda hormarinta ee Puntland.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Wasaaradda amniga dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in kulankii dhexmaray Maamulka iyo Madax ka socotay Qaramada Midoobay uu ku soo dhammaaday is afgarad iyo natiijo wax ku ool ah.

Wafdiga ka socday Xafiiska Qaramada Midoobay ee socdaalka ku gaaray Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa hoggaaminayay Marco oo ah hogaanka ROLS-UNSOM, waxaana safarka ku wehlinayay Saraakiil kale.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor