Prof. Jawaari oo ku dhawaaqay in loo diiday tartanka Doorashada Golaha Shacabka

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa shaaca ka qaaday inuu isaga soo tegay Magaalada  Baydhabo oo maalmihii lasoo dhaafay u joogay Arrimo doorasho.

Prof. Jawaari ayaa waxaa uu sheegay in laga hor istaagay inuu u tartamo kursiga Golaha Shacabka ee tirsigiisu yahay HOP-103, isla markaana ka horyimideen caqabado iyo culeysyo oo uu sheegay inuu kala kulmay Madaxda Maamulka.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in Baydhabo aysan aalin Nin gob ah wax uu doonto, lama filaana ku noqotay waxa uu la kulmay inay noqdaan kuwo uu ku tilmaamay ku takrifal caadi ah, ayna socon wax u dhow doorasho xor iyo xalaal ah.

“Arimaha ka socda Baydhabo aniga shaqsiyan qiyaasta aan qiyaasay ma fidsana gogol nin gob ah iyo oday wax kasoo doonto, waxaa socda arimo takrifal caadi ah,  meeshan doorasho hufan oo xalaal ah iyo wax u dhaw kama socoto ee gabood falo ayaa ka socda oo lagu talax tagayo xaquuqda Muwaadinka” ayuu yiri Prof Jawaari…

Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa sheegay hadii aan wax laga qaban sida ay hada wax u socdaan in uu ka cabsi qabo in la waayo meeshana ka baxdo dowladnimada yar ee hada heesato Soomaaliya dhibka badana loo soo maray.

Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in doorashada ay hadda ku jirto koontarool saa’id ah iyo gacanta qof, waxa uuna cadeeyay in uusan gudbeyn xitaa Musharax noqon karin qof aan raali laga aheyn.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor