Prof. Cabdullaahi Shirwac oo ku geeriyooday Mudisho iyo RW Rooble oo ka hadlay

Allaha u naxariistee waxaa xalay Isbitaal ku yaalla Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo xubin firfircoon ka ahaa dalladda Bulshada Rayidka ah ee Soomaaiyeed, kaasi oo maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanayay Magaalada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyey geerida Marxuum Cabdullahi Maxamed Shirwac oo xubin firfircoon ka ahaa dalladda Bulshada Rayidka ah ee Soomaaiyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay marxuumka halyeeyey ka baxay qaranka Soomaaliyeed, wakhtigiisana u huray u adeeggidda dadkiisa, isagoo xusay in Soomaaliya ay ka baxeen labo shakhsi oo kala ahaa Sheekh Cali Warsame iyo Cabdullaahi Shirwac oo ku kala suntanaa farista wanaagga iyo samafalka bulshada, ilaahay dhammaantood ha u naxariisto.

“Alle waxaan samir iyo iimaan u weydiinayaa qoyskiisa iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay, isagana in uu Hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Cabdullaahi M. Shirwac ayaa ahaa xubin firfircoon oo bulshada rayidka ka tirsan , waqtigiisa iyo maskaxdiisana mar walba u hurayay horumarinta nabadda iyo abaabulka bulshada ee ku wajahan ka jawaabidda xaaladdaha deg-degga ah ee gurmadka loo fidinayo shacabka Soomaaliyeed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor