Prof. Cabdiwahaab Cabdisamad oo lasii daayay kadib Afduub loo haystay

Waxaa xorriyaddiisa dib u helay Prof. Cabdiwahaab Cabdisamad oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaalida dalka Kenya, kadib muddoo 10 maalmood ah oo afduub ahaan loo haystay.

Xubno ka tirsan Qoyskiisa ayaa sheegay in hadda uu nabad qabo Cabdiwahaab, waxaana intaasi ay ku dareen in ay haystaan Ciidanka Sirdoonka Kenya.

Prof. Cabdiwahaab Cabdisamad ayaa si weyn waxaa uu kaga hadli jiray arrimaha siyaasadda Soomaaliya,waxaana inta badan qoraaladiisa wareysiada uu bixiyo uu ku taageeri jiray Madaxweyne farmaajo.

Ilaa iyo hadda lama xaqiijin cidda uu u Afduubnaa, iyo halka lagu hahay,balse ehelkiisu waxaa ay sheegeen uun in hadda lasii daayay oo uu nabad qabo.

Tan iyo markii la Afduubtay waxaa la weysanaa nolol iyo geeri toona, waxaana xaaskiisa oo warbaahinta la hadashay ay dhowr jeer sheegtay in ay macquul tahay in Afduubkiisa ay ku lugleedahay Xukuumadda Soomaaliya, inkastoo warkaasi aysan jirin cid caddeysay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor