Prof. Cabdi Ismaaciil iyo Wasiir Dubbe oo loo doortay Senataro ka tirsan Aqalka Sare

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa ku guuleystay inuu noqdo Senatar ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib doorasho adeg oo Maanta ka dhacday Xarunta Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Doorashada uu kusoo baxay Prof. Cabdi Ismaaciil ayaa waxaa kula tartamay Musharaxiinta kala ah Prof. Maxamed Maxamuud Allabari iyo Cabdiraxmaan Cismaan Cali, iyada doorashada kursigaas aheyd mid aad loogu loolamay.

Doorashada ka dhacday Teendhada Afisyoonio oo laba wareeg la galay ayaa waxaa wareegii koowaad u gudbay Prof. Cabdi Ismaaciil iyo Prof. Maxamed Maxamuud Allabari, waxaana wareegaas ku haray Cabdiraxmaan Cismaan.

Guddiga doorashada ayaa shaaciyay in kursigan loo tartmayay uu ku guuleestay Prof. Cabdi Ismaacil Samatar oo helay codad gaaraya 25 Cod, halka Musharaxa wareegii ugu dambeeyay la tartamayay Prof. Maxamed Allabari uu helay 21 Cod.

Sidoo kale Ergada doorashada Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta xilgaarsiinta Cismaan Abuukar Dubbe u doortay inuu kamid noqdo Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Wasiir Dubbe ayaa waxaa doorashada kula tartamay Musharax Cabdikariin Maxamed Xasan oo difaacanayay kursiga, waxaana Wasiirka Warfaafinta Dubbe uu helay Codad gaaraya 28 Cod, halka Cabdikariin Maxamed uu helay 17 Cod, Hal Cod ayaana halaabay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor