Orodyahanno Soomaali ah oo hadal hayn ka dhex abuuray warbaahinta Caalamka

Qaar kamid ah warbaahinta caalamka ayaa hadal heysaa dhiirigelinta uu Cabdi Nageeye uu u muujiyay Bashiir Cabdi xilli ay ka qeybgalayeen tartanka orodka dheer ee ka socday magaalada Tokyo ee dalka Japan.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warrantay in ‘Cabdi Nageeye uu saaxibtinimada uu ka horumariyay wax kasta maadama Bashiir Cabdi uu ugu baaqay in uusan ka harin si kaalmaha hore uu u galo’

Reuters waxay cinwaan uga dhigtay sheekada labada orodyahan ee Soomaalida ah, “Wax kasta waxaa ka horreeyaa saaxibtinimada xilli Nageeye uu gacan haatiyay Bashiir Cabdi si uu kaalin wanaagsan uga galo tartanka”

“Markii ay inoo soo hartay 800m, waxaan doonayay in aan dheereeyo balse waxaan ka fakaray Bashiir oo aan ku dhahay, horey usoo soco” ayuu yiri Nageeye.

Soomaalida ayaa baraha bulshada si weyn uga hadal heysay orodyahanadii Soomaalida ahaa ee u kala tartamayay dalalka Netherlands iyo Belgium.

Tartankaas waxaa ku guulaystay Eliud Kipchoge oo u dhashay Kenya halka kaalinta labaad iyo saddexaad ay kala galeen Cabdi Nageeye iyo Bashiir Cabdi oo u ordayay dalka Belgium-ka.

Waxaa la arkayay Cabdi Nageeye oo matalayay Netherlands oo ku gacan haatinayay Bashiir Cabdi oo ka dambeeyay xilli ay ordayeen.

“Waxaan nahay labo wiil oo Soomaali ah hadduu iga horreeyay maanta ama maalmihii hore aan ka horreynayay , wax macno ay noogu fadhido ma laha ..waa is dhiiregelin, Soomaali haddan nahay waan is dhiirigelinaa meel kasta oo aan kala joogno ” ayuu yiri Bashiir Cabdi oo BBC-da u warramayay.

“Maanta kolba soo soco, wax yar baa inoo haray, hortaada fiiri..kolba ereyo ayuu ii sheegayay oo dhiirigelin ii ahaa”

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor