Norway oo Dowladda Soomaaliya ku amartay inay xukunka wareejiso

Dowladda Norway ayaa War cusub kasoo saartay xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dhaceysa oo aan weli heshiis rasmi ah ka gaarin Madaxda.

Qoraal kasoo baxay dowladda Norway ayaa waxaa marka hore walaac looga muujiyay xal u helid la’aanta arrimaha siyaasadda Soomaaliya, isla markaana sheegay in muhiim ay tahay in heshiis laga gaaro khilaafka doorashada dhaceysa.

Norway ayaa Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkoodu dhammaaday ku amartay inay xukunka si dhaqsi ah ku wareejiyaan, iyagoona Madaxda Soomaalida ku tilmaamay kuwa aan lahayn rabitaan siysaaseed.

“Dowladda Federaalka waxaa waajib ku ah xaqiijinta inay xukunka si dhaqse ah ku wareejiso” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Dowladda Norway oo kamid ah Beesha Caalamka ee saaxiibada Soomaaliya.

Qoraalka kasoo baxay Norway ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyada oo Midowga Yurub ugu hanjabay hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya inay ka qaadayaan tallaabooyin cid walba oo wax u dhimeysa wada hadalka, ayna la kulmi doonaan cawaaqibta ficiladooda.

Beesha Caalamka ayaa cadaadis xoogan Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ku saareysa inay heshiis rasmi ah ka gaaran khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada Soomaaliya oo la isku mari la’yahay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor