NISA oo shaacisay inay qabatay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

War ka soo baxay Hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa waxaa lagu shaaciyey in howlgal laga sameeyey Muqdisho lagu qabtay Xubno sar sare oo  ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgal laga sameeyey Xaafad ka tirsan degmada Dharkenley ayaa Hay’addu ku sheegtay in lagu qabtay laba  ka mid ah ragga dilalka u qaabilsan Al-Shabaab sida lagu faafiyey Bogga twitter-ka ee Hayadda NISA.

19-ka Sabtembar, 2018, ciidamada Amniga ayaa labo shakhsi oo Amniyaat-ka Alshabaab ah kasoo qabtay degmada Dharkeynleey ee Magaalada Muqdusho. Howlgalka cidi wax kuma noqon. Nagu garab istaaga si aan u difaacno dhammaan shacabkeenna.

Hay’adda NISA mashaacin Magacyada Shaqsiyaadka la soo qabtay,waxaana maalmihii la soo dhaafay ay Hay’adda NISA shaacineysay inay howlgallo Muqdisho ka sameeyeen ku qabteen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor