NISA oo Shaacisay inay ka hor-tagtay Kooxo qorsheynayey inay Weerar ka geystaan M/Muqdisho

War ka soo baxay Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ay xalay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabellaha hoose,kaas oo lagu dilay Xubin ka tirsan Al-Shabaab.

War lagu qoray Bogga twitter-ka ee Hay’adda NISA ayaa lagu xaqiijiyey howlgalkaas in lagu dilay xubin ka tirsan Al-Shabaab.

“Howlgal uu ciidanka amnigu  ka fuliyay deegaanka Mubaarak ee Gobalka Shabellaha Hoose habeynimadii 11-ka Sabtembar, ayaa isrisaaseyn kadib waxaa lagu dilay xubin Alshabab ah kuwa kalana lagu dhaawacay. Kooxdaan ayaa ku howlanaa weeraro ay ka gaysataan magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa la sheegay in ciidamada dowladda ay mudo ku sugnaayeen deegaankaas balse markii dambe ay isaga oo baxeen.

Geba gabadii waxaa Hay’adda NISA ay ka codsatay shacabka Soomaaliyeed inay ku garab istaagan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ee ka socda muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media