NISA Jubbaland oo Caawa soo Bandhigtay Nin Dil geystay 

Taliska hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka dowlad Goboleedka Jubbaland ee NISA ayaa Caawa soo Bandhigay Nin la sheegay inuu dil u geystay Askari ka tirsan Ciidanka Jubbaland.

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska nabadsugida Jubbaland ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgal Ciidanka ay sameeyeen lagu soo qabtay Ninkan oo dilay Askari ka tirsan laamaha amniga oo lagu magacaabi jiray Maxamed Yare oo ku magaca dheeraa Raxmadee.

Sidoo kale Jubbaland ayaa sheegtay in Ninkaas lala soo qabtay qori uu ka qaatay Askarigii uu dilay, waxaana falkaas uu dhacay xili habeen.

“Ciidanka Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa gacanta ku dhigtay ninkan isagoo daba gal lagu hayay, askari ka tirsan ciidanka ammaanka Alle ha u Raxmadee oo la oran jiray Maxamed Yare ayuu dilay kana qaatay qorigii 48 saac ka hor  NISA Jubbaland oo baaritaan ku waday ayaa soo qabatay caawa ninkan iyo qorigii uu ka qaatay askarigii uu gaadmada ku dilay xili habeen bar ah” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Jubbaland ee NISA.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media