Ninkii dilay George Floyd oo dacwad cusub lagusoo oogay

Dacwado cusub ayaa lagu dhawaaqay in lagusoo oogay dhamaan askartii booliiska shaqada laga ceyriyay ee ku sugnaa halkii uu ku geeriyooday ninka madow ee magaalada Minneapolis.

Dacwadda ka dhanka ah Derek Chauvin ayaa sare loogu qaaday waxaana la gaarsiiyay dil darajada labaad ah, sida ay muujinayaan dukumiintiyada maxkamadda.

Saddexda sarkaal ee kale, oo aan horey wax kiis ah aan lagu soo oogin, ayaa hadda wajahay dacwado ku saabsan kaalmaynta dilka.

Dhimashadii Floyd waxay dhalisay mudaaharaadyo waaweyn oo ka dhan ah Mareykanka oo looga soo horjeedo cunsuriyadda iyo dilka booliisku u gaysanayaan dadka Madow ee Mareykanka ku nool.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media