Nin u tartamay Kursi ka tirsan Golaha Shacabka oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil Xalay magaalada Muqdisho loogu gaystay mid ka mdi ahaa Musharraxiintii dhawaan ka qayb qaatay tartanka kuraasta Golaha Shacabka, waxaana la helayaa faah faahinno dheeraad ah oo ku aaddan dilkiisa.

Wararku waxaa ay sheegayaan in kooxo ku hubeysan Bistoolado ay dileen Marxuumka,waxaana dilku uu si gaar ah uga dhacay degmada Dharkiinley ee Gobolkani Bnaaadir Gaar ahaan waaxda Timacadde.

Marxuumka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Maxamed Xuseen Sebriye, waxaana dhawaan uu u tartamay kursiga sumaddiisu tahay Hope33.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegen in dableydii dishay marxuumka ay goobta isaga baxsadeen kadib markii ay dilka Fuliyeen, waxaana goobta uu dilku ka dhacay gaaray Ciidanka Dowladda kuwaasi oo sameeyay howgallo ay ku baadi goobayaan dableydii dilka fulisay.

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor