Nin Soomaali oo dhagxaan ku tuuray Gaari ay wateen Booliska Mareykanka oo la dilay

Nin Soomaali ah oo dhagaxaan ku tuuray baabuur ay wateen ciidamada Booliska magaalada Phoenix ee Gobolka Arizona ee dalka Mareykanka ayaa waxaa toogasho ku dilay Ciidanka Booliska ahaa ee watay gaariga uu dhagaxa ku tuuray .

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cali Cismaan ayaa 34-sanno jir ahaa, kuna doonaa magaalada Phoenix ee Mareykanka, waxaana Booliska magaaladaas ay sheegeen in Cali uu dhagxaan ku tuuray baabuur ay wateen Ciidamada Booliska maalintii Axadda aheyd.

Saraakiisha Booliska ayaa laga soo xigtay in inta aysan Cali toogan kahor ka dalbadeen inuu joojiyo dhagxaan uu ku tuurayo gaadiida ay wataan Booliska iyo kuwa dadka shacab ah, balse Cali ayaa diiday amarka Booliska, kadiba toogasho ayey ku dileen.

Askariga toogtay Cali Cismaan ayaa la sheegay in uu dhowr xabadood ku dhuftay, kaddibna Cali oo dhaawac halis ah oo aad u xun uu gaaray ayaa  loo qaaday oo loola cararay isbitaalka, halkaasi oo uu ugu geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray.

Qoyska Marxuunka Cali ayaa warbaahinta u sheegay in uu Allaha u naxariisto ee Cali uu la tacaalayay xanuunka dhimirka. Qoyska Cali Cismaan ayaa sidoo kale sheegay in uusan lahayn wax dambi ah.

Dhanka kale, dilkan toogashadda ah ayaa ka careysiiyey  bulshadda Soomiyeed iyo qaar kamid ah Jaaliyaddaha kala duwan ee ku dhaqan magaalada Phoenix ee Gobolka Arizona ee dalka Mareykanka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor