Nin Muqdisho ku dilay Xaaskiisa Walaashiis iyo laba ruux oo kale kadibna isdilay

Dhacdadaan oo aad looga naxay ayaa Maanta waxa ay ka dhacday degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir kadib markii nin uu dilay xaaskiisa walaashiis iyo Saddex ruux oo kale.

Dad ku sugan Xaafada lagu magacaabo sifeynta biyaha oo u dhow xerada ciidamada lagu tababaro ee dhagabadan ex-jaziira ee degmada Wadajir ayaa Dalsan waxa ay u xaqiijiyeen dilkaas.

Ninka wax dilay ayaa waxaa magaacaabayay Cabduqaadir Maxamuud Cadaani waxaana la sheegay in dilka uu u adeegsaday qoriga AK47.

Dadka uu dilay ayaa waxa ay kala ahaayeen Xaliimo Xuseen Cali Kowshe oo xaaskiisa aheyd Xaawo Maxamuud Cadaani oo Walaashiis aheyd,Maxamuud Tuuryare oo ay ilmo adeer ahaayeen iyo Cabdullaahi Maxamed Yalaxoow kuwaas oo dhammaantood uu dilay.

Warar kale oo aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in ninka wax dilay dhawaan lagu arkay xanuun dhanka maskaxda ah,isla markaana ehelkiisa ay u sheegeen in ay dhaqtar geeynayaan balse uu ka diiday.

Dhacdadaan oo ah mid ku cusub degmada Wadajir ayaan weli waxaan ka hadlin maamulka degmada Wadajir, iyada oo sidoo kale aan weli la ogeyn sababta uu ninkaasi falkaasi u geystay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor