Nin ku eedeeysan dilkii Wariye Jamal Khashogi oo gacanta lagu dhigay

Wararka ka imanaya dalka Faransiiska, ayaa sheegaya in nin Sucuudiyaan ah, oo loogga shakisan yahay inuu ku lug lahaa dilkii wariye Jamal Khashogi lagu xirey dalkaasi.

Khaalid Aalu Tayba, ayaa lagu xirey gagidda dayuuradaha ee magaalada Paris talaadadii, sida ay qortey warbaahinta Faransiiska. Wuxuu kamid yahay 26 qof, oo ay dowladda Turkey-ga ku daba jirto, sababo la xiriira dilkii Jamaal Khashogi.

Qofkan oo dadiisa lagu sheegay 33 sano jir, oo kamid ahaan jirey ilaalada gaarka ah ee Boqortooyada Sucuudiga, ayaa ku socdaalayey magaciisa rasmiga ah, waxaa la dhigay xabsi maxkamadeed.

Khashogi, oo ahaa nin si weyn u dhaleeceyn jirey dowladda Sucuudiga, ayaa lagu diley qunsuliyadda dowladda Sucuudigu ku leedahay magaalada Istanbul ee dalka Turkey-ga, bishii Octobar ee sanadkii 2018-kii.

Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay in weriyihii wargeyska The Washington Post lagu diley hawlgal aan sax aheyn.

Waxey intaa ku dareen iney fuliyeen dilka koox wakiillo ah, oo loo direy iney kasoo dhaadhiciyaan wariyaha inuu dib ugu soo noqdo boqortooyada Sucuudiga.

Laakiin saraakiisha Turkey-ga, ayaa sheegay in wakiilada ay ku dhaqaaqeen amaro ka yimid madaxda ugu sareysa ee dowladda Sucuudiga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor