Al-shabaab ayaa Goob fagaare ah oo ku taalla Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug waxaa ay ku xukun Dil toogasho ah kula fulin rabeen Nin la sheegay inuu Dil bareer geystay, hayeeshee xukunka ayaa laga laabtay.
Al-shabaab ayaa Dad farabadan isugu geeysay goobta xukunka Dilka ah laga fulin rabay, kuwaasi oo doonayay inay goobjoog ka ahaa xukunka, isla markaana waxaa fagaaraha la geeyay eedeeysanaha oo horey u dilay qof kale.
War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in Eedeysanaha ka hor inta aan lagu dhawaaqin xukunka uu labo rakcadood oo sunno ah tugtay, kadibna dadkii qofka horey looga dilay ay ka laabteen dalabkoodii ahaa in loo dilo.
Al-shabaab ayaa dhowr jeer degmooyin ka tirsan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya waxaa ay goob fagaaro ah kula toogteen dad ay ku eedeeyeen inay la shaqeeyaan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha reer Galbeedka ah.