Nin isaga oo Sujuudsan ku geeriyooday Masjid ku yaalla Muqdisho

Waxaa xalay Salaadii maqrib kahor Masaajid ku yaalla xaafad ka tirsan degmada Deyliine ee Gobolka Banaadir ku geeriyooday Sheekh kamid ahaa Jameecada Masaajidka, xili uu tukanayay Salaad.

Dad ku sugnaa Masjidka loo yaqaano Muumino Ceelbuur ee degmada Deyliine ee Muqdisho ayaa sheegay in Sheekhaas uu dhintay, xili uu u taagnaa dukashada Salaad Sunno ah.

Allaha u naxariistee Marxuumka dhintay oo magaciisa lagu sheegay Xuseen Cali ayaa dhintay tukanayay Salaad sunno ah kahor inta aan la aqamin salaadii Maqrib ee xalay, waxa uuna geeriyooday isaga oo u sujuudsan rakcada u dambeysa.

Jameecada Masaajidka ayaa u gurmaday oo isku toosiyay marxuumkan nasiibka badan ee geeriyooday isaga oo salaad ku jira, waxaana markii dambe Masaajidka tegay qaar kamid ah Ehelada Marxuum Xuseen oo qaaday Meydka.

Dadkii ku sugnaa asjidka loo yaqaano Muumino Ceelbuur ee degmada Deyliine ee Muqdisho ayaa Alle uga baryay Xuseen Cali inuu Janada ka waraabiyo, waxaana geeridaas ka naxay qaar kamid ah Jameecada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media