Nin hubaysan oo dad shacab ah laayey, kuwo kalena  dhaawacay

Nin hubaysan oo falastiini ah oo ka tirsan ururka Xamaas ayaa magaalada Qudus ku dilay hal qof oo rayid ah saddex kalena ku dhaawacay.

Ciidamada ammaanka ee Israa’iil ayaa markii dambe toogtay ninkaa weerarka gaystay oo qiyaastii 42 jir ahaa asagoo markii dambena cisbitaalka ku geeriyooday.

Ururka xamaas ayaa xaqiijiyey in ninka weerarka qaaday oo lagu magacaabi jiray Fadi Abu khaydam uu ahaa xubin ka tirsan garabkooda siyaadadda.

Wasiirka aminga Israa’iil ayaa weerarka ku tilmaamay mid si wacan loo soo qorsheeyey,

Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Naftali Bennett ayaa shacabka ugu baaqay in ay ka digtoonaadaan weerarro kale oo suurtagal ah in ay halkaa ka dhacaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor