Nin caan ka ahaa Instagram-ka oo la afduubtay iyo sababta oo la shaaciyay

Nin u dhashay dalka Nigeria, oo lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo lacago uu si sharci darro ah uga qaatay Mareykanka, ayey laanta dambi baarista Mareykanka ee FBI-da ka afduubatay magaalada Dubai, sida uu sheegay qareenkiisa.

 

Ramon Olorunwa Abbas – oo dadka ku taxan bartiisa Instagram-ka ee ay tiradoodu tahay 2.5 milyan ay u yaqaannaan Ray Hushpuppi – iyo nin kale oo burcadda internet-ka ah laguna magacaabo Olalekan Jacob Ponle (ama Mr Woodberry) ayaa bishii June lagu xiray magaalada Dubai oo ay ku noolaayeen.

 

Kaddibna 3-dii bishii July waxay kasoo muuqdeen maxkamad ku taalla magaalada Chicago ee dalka Mareykanka.

Dowladda Imaaraadka Carabta lama laha Mareykanka heshiis maxaabiis isu dhiibis ah, laakiin booliska magaalada Dubai ayaa sheegay inay raggaas u gacan galiyeen Mareykanka.

 

Afhayeen u hadlay waaxda caddaaladda ee Mareykanka ayaa BBC-da u sheegay in Hushpuppi laga eryay Dubai oo aan cidna loo gacan galinin. Hase yeeshee kama uusan jawaabin sida uu uga soo muuqday maxkamad ku taalla Mareykanka.

 

Hushpuppi ayaa bogga uu ku leeyahay Instagram-ka si joogto ah ugu soo bandhigi jiray sawirro muujinaya sida uu kharash aad u badan ugu isticmaalo noloshiisa isagoo ku faani jiray hanti badan oo ay ka mid yihiin gawaari.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media