MW Biixi oo Beesha Caalamka Warbixin ka siiyay Doorashooyinka ku soo fool leh Somaliland

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta habka maqalka iyo muuqaalka (Video Conference) la yeeshay koob iyo toban (11) mudane oo isugu jira safiiro iyo diblumaasiyiin ka socda Beesha caalamka.

Ugu horayna Madaxweynaha ayaa waxa uu safiirada iyo diblumaasiyiinta la wadaagay xaalada guud ee Somaliland halka ay marayso haday tahay dhinaca horumarka, nabadgelyada, iskaashiga iyo wadashaqaynta arrimaha mandaqa geeska Afrika.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu safiirada u sheegay halka ay marayso geedi socodka arrimaha doorashooyinka Somaliland ku soo fool leh, isagoo xusay madaxweynuhu in tallaabooyinkii muhiimka u ahaa hirgelinta doorashooyinku ay bilaabmeen, qaarkoodna dhammaadeen.

Sida in ay maxkamada dastuuriga ahi ay go’aamisay in ururadu furan yihiin cidii u horaysay ee arrintaa aqbashayna ay ahayd xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo Mxkamada ku hambalyeeyey tallaabadaasi.

Waxa kale oo madaxweynuhu xusay in markii ay iskood isu casileen komishankii doorashooyinka uu waraaqo u diray golaha guurtida iyo xisbiga Waddani kagana dalbaday inay sida ugu haboon u soo buuxiyaan xubnaha komishanka doorashooyinka, halka xisbiga Ucid uu isagu hore u soo gudbiyey xubintiisa, taasoo ujeedadu ahayd in looga gudbo wejiga xiga, loogana hortago dib u dhac ku yimaada doorashooyinka,

Madaxweynuhu ayaa waxa uu xusay in si dhakhsaha loo soo dhamaystiri-doono saddexda xubnood ee hadhay ee komishanka, si ay iyagoo dhamaystiran ay u soo bandhigaan  nidaamka hirgelinta doorashooyinka, ka xukuumad ahaana ay si buuxda ula shaqayn doonaan si ay inoogu qabsoomaan doorashooyinku.

Dhinacooda safiirada iyo diblumaasiyiintu waxa ay balan qaadeen marka ay soo dhammaadan arrimaha  sharci ee doorashooyinka la xiriira, lana soo dhamaystiro xubnaha komishanka doorashooyinka inay Somaliland ka taageeri doonaan hirgelinta arrimaha qabsoomida doorashooyinka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor