Muxuu yahay ujeedka Wafdiga uu hoggaaminayo Mahdi Guuleed ee u amba-baxay dalka Kenya?

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka Mahdi Guuleed ayaa  magaalada Nairobi ee Dalka Kenya uga  qayb galaya meertada 39aad ee Shir Madaxeedka urur Goboleedka  IGAD oo maalinta barri ah ka qabsoomi doonta wadanka Kenya, gaar ahaan Nairobi.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ayaa shirkan ku matali doona Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh  Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dalka Turkiga ku sugan, halkaasi oo uu kulamo la leeyahay Jaaliyadda Soomaalida iyo Madaxda dalkaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor